Maamulka Somaliland oo dil ku fuliyeey rag dil horey u geeystay

HomeWararka

Maamulka Somaliland oo dil ku fuliyeey rag dil horey u geeystay

Somaliland ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay lix Nin oo hore Maxkamadaha Somaliland dil ugu xukumeen, kuwaas oo la s

LATALIYE MAXAMED MUSA OO EERSADAY “JIIR KU DHACAY FUUSTO BIYO AH” & CAGJAR OO XILKII KA XAYUUBSHAY
Warka Caweysin iyo Fadumo degan Daljir Bossaso (dhegayso)
DFS oo shaacisay maanta xiliga lagu dhawaaqayo guddiga doorashooyinka

Somaliland ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay lix Nin oo hore Maxkamadaha Somaliland dil ugu xukumeen, kuwaas oo la sheegay inay dil geysteen.

Lixda Nin ayaa muddo u xirnaa Soomaaliland, waxaana Maanta lagu toogtay fagaaro ku yaalla duleedka Xabsiga deegaanka Mandheera gobolka Saaxil, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Ehelada dadka la dilay iyo kuwa wax dilay & sidoo kale mas’uuliyiinta Maxkamadda Gobolka Saaxil.

Ragga dilka toogashada ah lagu fuliyay Maanta ee la toogtay ayaa waxaa dilkooda saxiixay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, kaddib markii xukun lagu riday, waxaana ay kala yihiin Magacyadooda.

1- Yaasiin Maxamed Yuusuf

2-Sharmaarke Sahal Oogle

3-Quulle Maxamed Cilmi

4-Khaalid Cabdi Xaydar

5-khadar Maxamed Warsame

6-Cabdikariim Maxamed Mahdi.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: