Saraakisha DFS oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab

Saraakisha DFS oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab

Taliyaha Ciidamada qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Ciirow ayaa sheegay in degaannada Koonfur galbeed ay ka bilaawdeen diyaar garoow ku aadan howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha oo faah faahiyay kulan dhex-maray Ra’iisul Wasaare Rooble Taliska Ciidamada xoogga qeybta 60aad iyo AMISOM in la isku afgartay in la bilaabo dagaal iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ay ka wadaan degaannada Koonfur Galbeed, iyada oo la guda galayo xilli doorasho, isla markaana Ciidamada ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan falalka amni darro oo ay geysan karaan.

Hadalka Taliyaha Ciidamada qeybta 60aad ee Ciidamadaa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar Xubno ka tirsan Ururka AlShabaab ay weeraro ka geystaan degaannada koonfur Galbeed, isla markaana xalay degmada Waajid ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, xaasikiisa iyo Carruurtiisa.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com