Siyaasi Cali Maxamed Geeddi oo sheegay inuu ku dhawaaqi doono Xisbi mucaarad ah

HomeWararka

Siyaasi Cali Maxamed Geeddi oo sheegay inuu ku dhawaaqi doono Xisbi mucaarad ah

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta ku dhawaaqay inuu hoggaamin doono Xisbi mucaarad o

Shir looga hadlaayay Arrimaha Shidaalka Soomaliya oo ku qabsoomay habka fogaan araga ee internetka
SAHANKA DALJIR & DDS: QALOOCAN (Q5aad)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta ku dhawaaqay inuu hoggaamin doono Xisbi mucaarad oo ka mid noqonaya Axsaabta Mucaaradka ee dalka ka jira.

Khudbad uu ka jeediyay Munaasabad soo dhoweyn ah oo shalay Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayuu Cali Geeddi ka sheegay inuu dhisay Xisbi Mucaarad ah oo la diiwaan geliyay.

Waxaa uu sheegay in Xisbiyada siyaasadda ay sharci yihiin, isla markaana uu meel mariyay Baarlamaanka, isla markaana Madaxweynaha digreeto ku ansixiyay, waxaa uu xusay in Xisbigiisa yahay mid wax dhisaya.

Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu tiriyo siyaasiyiinta aad ugu dhow dowladda Federaalka, isagoo dhowr jeer difaacay, si kululna u weeraray Mucaaradka dowladda.

Lama oga in Xisbigiisa la mid noqonayo xisbiyada gacan saarka la leh dowladda Soomaaliya, waxaa la is weydiinayaa sida xilligan Cali Geeddi uu u mucaaradi karo dowladdii uu taageersanaa, kana difaaci jiray mucaaradka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: