Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka oo xariga ka jaray Xafiiska Hubinta tayada Qalabka Dhismaha

HomeWararka

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka oo xariga ka jaray Xafiiska Hubinta tayada Qalabka Dhismaha

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta xariga ka jaray xafiiska hubinta qalabka dhismaha oo qalabeyn casri ah

MAANHADAL: Daryeelka Deegaanka iyo Axmed Sheekh Maxamed Tollman (dhegayso)
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Hadlay Iskudhafka Ciidamada Bilayska Galkacyo
Xog Ku Saabsan Duqayn Kadhacday Xeebaha Degmada Caluula (dhegayso)

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta xariga ka jaray xafiiska hubinta qalabka dhismaha oo qalabeyn casri ah lagu sameeyay, si uu qeyb uga qaato tayeynta dhismaha guryaha iyo wadooyinka dalka.

Ujeedada hir-gelinta xafiiska ayaa salka ku heysa horumarinta tayada dhismayaashada dalka iyo hubinta dhamaan waxybaaha fududeynaya in dhismaha dalka la hagaajiyo si loo helo dhismayaal tayo leh oo u adkeysan kara dabeylaha, roobabka, fatahadaha iyo dhamaam waxyaabaha burburiya dhismooyinka iyo wadooyinka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ballan qaaday in dowladdu ay ka shaqeyneyso hannaankii xafiiska loo ballaarin lahaa, ayaa shirkada dhismaha kula dardaarmay inay wasaaradda Howlaha guud kala shaqeeyaan hirgelinta dhismayaal leh tayada iyo halbeegga heer caalami.

Dowladda ayaa ku howlan hagaajinta iyo horumarinta dhismayaasha dalka si loo helo waddooyin iyo dhismayaal casri ah oo ka qeyb qaata bed-qabka bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u kabashada dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: