Sidee Ra’iisul Wasaare Rooble loogu soo dhaweeyay Kenya (Sawirro)

Sidee Ra’iisul Wasaare Rooble loogu soo dhaweeyay  Kenya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si maqaam sare ah loogu soo dhoweeyey dalka Kenya, waxana magaalada Mombasa wadahadal kula yeelanayaa madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta.

Safarkan Ra’iisul Wasaare Rooble ku joogo dalka Kenya ayaa ujeedadiisu tahay adkaynta iyo xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo qaadan doonta saddex maalmood ayaa waxaa ku weheliya wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay inta aanay ka dhoofin magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in wadahadalada uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la yeelanyo Madaxweynaha Kenya aanay qayb ka ahayn arrinta muranka badda ee u dhexeysa labada dal, waxana uu caddeeyey in kiiska oo yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda uu marayo heer gabogabo ah, isla markaana laga dhursugayo go’aanka ugu danbeeya ee maxkamadda.

Sawirro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com