Sidee ayuu u dhacay howlgalkii Ciidanka dowladda ka fuliyeen degaanka Basra?

HomeWararka

Sidee ayuu u dhacay howlgalkii Ciidanka dowladda ka fuliyeen degaanka Basra?

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad & kuwa Duufaan ee NISA ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra oo kuyaalla duleedka degmada

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Maamulka Jaamacadda Ummada oo Dalbaday in Loo Kordhiyo Miisaaniyada oo Hadda 3 Milyan oo Dollar
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad & kuwa Duufaan ee NISA ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra oo kuyaalla duleedka degmada Deeyniile iyo deegaano kale oo ku dhow dhow, halkaas oo ay ku sugnayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada howlgalka fuliyay ayaa waxaa lagu sheegay in howlalka lau dilay Xubno badan oo katirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay la wareegeen Maxkamaddii Al-Shabaab ee degaanka Basra.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay gacanta kudigeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay sii daayeen dad shacab ah oo ganacsato ay ku jireen kuwaasi oo Al-Shabaab u xurnaa.

Wararka Risaala ay heshay ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu degaanka Basra oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana dagaalka ku dhaawacma Xidigle Salaad Maxamed Cali oo kamid ahaa Saraakiisha howlgalka hoggaaminesay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: