Maamulka Jaamacadda Ummada oo Dalbaday in Loo Kordhiyo Miisaaniyada oo Hadda 3 Milyan oo Dollar

Maamulka sare ee Jaamacadda ummada Soomaaliyeed ee Muqdisho oo maanta warbixin hor tegay kalfadhiga Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay xaalada Jaamacadda.

Warbixinta ayaa la xiriirtay dib u yagleelida Jaamacadda, horumarada ay ku talaabsatay, hanaanka maamulka iyo waxbarashada Jaamacadda, caqabadaha heysta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Jaamacadda dhigata.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed mudane Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in horumar weyn ay ku talaabsadeen mudada kooban oo ay shaqeynayaan.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ka codsaday in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed loo kordhiyo Miisaaniyadda loogu tala galay sanadkan oo hadda gaareysa 3-Milyan.

“Golaha Shacabka waxaa ka codsaneynaa iney ka shaqeeyaan sidii naloogu kordhin lahaa miisaaniyadda oo naloo gaarsiiyo 5-Milyan maadaama howlo muhiim ah ay na horyaallaan, Golaha Shacabka waxaa u cadeynayaa in dhismayaashii ay lahayd Jaamacadda qaarkood aan gacanta ku heyn oo shaqsiyaad gaar ah ay heystaan”. ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ardayda Jaamacadda aysan lahayn Isbitaalo ay ku bartaan maadooyinka caafimaadka, waxa uu tilmaamay muhiimada ay leedahay in la helo goobo baraatiko ay ardayda ku sameeyaan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com