Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo la shaaciyay (Akhriso)

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo la shaaciyay (Akhriso)

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la shaaciyay maanta waxayna u dhignaayen sidan:

1-In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed

2-Dhimirkiisu u dhan yahay

3-Da’diisu ka yarayn 25 sano

4-Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.

5–In uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.

6-In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

7-In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.

8-Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

9-Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

10-Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

11-Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Sidoo kale waxaa la soo saaray shuruudaha ergada soo dooranayso xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliyeed, waxayna u qornmaayeen sidan:

1- In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5.

2- In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano

3- In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo

4- In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada

5- In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna

6- In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay.

7- In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada

8- In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com