Shirweynihii Ururka SOMA oo Muqdisho ka furmay

HomeWararka

Shirweynihii Ururka SOMA oo Muqdisho ka furmay

waxaa Shirweynahaa furay Ku Simaha gudoomiyaha SOMA Maxamed Cismaan Makaraan , waxaana uu sheegey in Shirweynaha looga hadli doona sidii Warbaahinta k

Muqdisho oo Maanta Lagu Qabtay Bandhiga Carwada Bugaagta (dhegayso)
Guddoomiyaha Godobo jiraan oo ka hadlay Abaar kajirta tulooyin hoosyimaada Godobjiraan (dhegayso)
Ururka Dhalinyarada Qardho ee Bulsho Kaab oo Kawarbixiyaay Waxqabadkoodi (dhegayso)

waxaa Shirweynahaa furay Ku Simaha gudoomiyaha SOMA Maxamed Cismaan Makaraan , waxaana uu sheegey in Shirweynaha looga hadli doona sidii Warbaahinta kumideysan SOMA ay isaga Kaashan lahayd Horumarinta xarumaha, shaqaalaha iyo tayada baahinta .

“Maanta waxaan u Fadhinaa sidii Xubaha ku mideysan SOMA ay wax uga badeli lahaayeen islamarkaana waxa ugu dari lahaayeen Xeerka Ururka sidoo kale waxaa Shirweynahaan uu u noqon doonaa mid balaaran oo ay xubno ka noqon doonaa Telefishinada, Wargeysyada iyo Web-Site-yada” sidaa waxaa yiri Ku simaha GudoomiyahaSOMA mudane Makaraan .

Sii haya xilka xog-hayaha guud ee SOMA mudane Maxamed Cabdi Wahaab ayaa ka sheegay furitaankii shirka golaha guud ee SOMA in muddada labada maalmood ah ee shirku u socda SOMA ay ka doodi doonaan islana meel dhigi doonaan dhammaan qorshaha iyo ku talagalka sanadkan ee Ururka, sidaas oo kalana ay goluhu go’aan wadajir ah ka gaarayaan sida loo wajahayo tayeynta iyo xoojinta xiriirka ay SOMA la leedahay dalladaha warbaahinta iyo gobolka iyo adduunkaba.

Goalaha guud ee SOMA ayaa si wanaagsan uga dooday Dibu eegidda dastuurka SOMA iyo xeer-hoosadaka (Regulation) oo labaduba ay kaalin fiican ka qaadan doonaan horumarinta tayada baahineed iyo awoodda isgaarsiineed ee SOMA.

Sidoo kale Shirweynahaas ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo balaarin lahaa Barnaamijka WADAAG oo ay Baahin jireen Qaar ka mid ah Idaacadaha ku mideysan SOMA, waxaana la filyaa in Shirweynhaas lagu xulo Idaacado kale oo baahiya Barnaamjkaas waxaana Shirweynahaas lagu soo bandhigi doonaa Buug si weyn uga hadlaya Badqabka Wariyaha waxaana la filyaa in Berri oo ay Bisha tahay 15 la soo gabagabeyn doonaa Shirweynhaas

Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa sanadkan sameyneysa isbeddel weyn oo ku wajahan baahsanaanta iyo dhisamaha tayada iyo qalabka xarumaha ku mideysan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: