Shirweyne looga hadlayo dib u eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay (Sawiro)

HomeWararka

Shirweyne looga hadlayo dib u eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay (Sawiro)

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa qabatay kulan dood wadaag ah oo ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, kul

Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland (Daawo)
Madaxweyne Gaas iyo Iskushaandhaynta Xukuumadda (warbixin)
Dawladda Puntland oo ku dhawaaqday in si rasmi ah looga mamnuucay dalka Isticmaalka Bacda (dhegayso/Daawo)

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa qabatay kulan dood wadaag ah oo ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, kulanka waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada dalka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Arimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka furay ayaa sheegay in Wasaaradda ay dhiiragelineyso in dadweynaha ra’yigooda ay ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka.

“Wasaaradda waxay aas-aastay Madasha ka qeybgalka Dadweynaha taasoo marba looga doodo arrimaha taagan ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka. Maanta waxaa miiska noo saran isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, waxaan soo dhaweyneynaa aragtiyada iyo su’aalaha ay qaabaan dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka.

Ka qeybgalayaashii kulanka ayaa soo jeediyeen aragtiyo iyo su’aallo ku saabsanaa dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, waxaana su’aalahaas si wadajir ah uga jawaabay Wasiir Cabdi Xoosh, Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan, La-taliyaha Madaxaweynaha Maxamed Cabdirisaaq iyo La-taliyaha Ra’iisulwasaaraha Avv Cumar Dhageey.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: