Shirweyne ka furmay Magaaladda Baydhabo

HomeWararka

Shirweyne ka furmay Magaaladda Baydhabo

Kulan socon doono muddo saddex maalmood ah xeer ilaaliyaasha federalka iyo xeer ilaaliyaasha dowlad goboleedyada ayaa ka furmay magaalada Baydhabo ee

Siyaasi Cabdikareem Xuseen Guleed oo soo dhaweyeey hadal jeedinti madaxweyne Farmaajo (Daawo)
Xukuno lagu riday shabakadii Afduubka iyo Dilka u geysatay Abuukar Kaabax
XUBINTA SICIRKA IYO SUUQA DALJIR&CAABUDWAAQ

Kulan socon doono muddo saddex maalmood ah xeer ilaaliyaasha federalka iyo xeer ilaaliyaasha dowlad goboleedyada ayaa ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Shirkaan Xeer ilaaliyeyaasha Qaranka oo ah kii labaad ayaa ujeedada ugu weyn tahay sidii loo adkeyn lahaa madax bannaanida Garsoorka dalka labadiisa heer Federaal iyo heer dowlad gobolleed.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka xeer ilaaliyeyaasha dowlad gobolleedyada iyo xubno ka tirsan bahda Garsoorka ayaa madasha magaalada Baydhabo isugu yimid, waxa uu shirka socon doonnaa seddex maalin oo xiriir ah.

Xeer ilaaliyeyaasha dowlad gobolleedyada ayaa soo dhoweeyey adkeynta madax banaanida Garsoorka, ballanna qaaday in ay si hufan ugu shaqeyn doonaan.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowlad gobolleedka Koofur Galbeed Axmed Cali Muuse ayaa hoosta ka xariiqay in isku xirnaanta Garsoorka Federaalka iyo midka dowlad gobolleedyada, lana dhowro madax bannaanidiisa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: