Shirweynaha Midnimada & Aayo Katashiga Gadabuuri

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Shirweynaha Midnimada & Aayo Katashiga Gadabuuri

Shirweynihii beesha Gadabuursi ee aadka loo sugayey waa uu furmay, warkiisuna ma yara, mid la jira iyo mid ka jiraba. Soomaalidu waxa ku maahmaahdaa "

MADASHA DALJIR | Madal kulmisay dawladda, mucaaradka & xisbiyada siyaasadda
War murtiyeed laga soo saaray Shirka DFS iyo Dowlad Goboleedyada (akhriso)
Madaxweynaha Faransa: “Haddii Xaaskaygu 20 Sano iga Yaraan lahayd Laba Cali isma Weydiiseen”

Shirweynihii beesha Gadabuursi ee aadka loo sugayey waa uu furmay, warkiisuna ma yara, mid la jira iyo mid ka jiraba. Soomaalidu waxa ku maahmaahdaa “war dhafoor buu ku yaal,” shir muhiimadiisuna waa mid ka muuqata tabbeelaha ama boorka shirka.

Khilaafkii ugu horreeyey waxa uu ka dhashay qoraalka tabbeelaha shirka oo ay ku qoranyihiin gobolada Awdal (gobol Soomaaliya kamid ah oo beesha Gadabuursi degto), Djibouti (magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo beesha lagu qiyaaso in ay tahay tirada labaad ee dalka Jabuuti, tiro ahaana ka hooseysa Cafarta, laakiin se ka badan Ciisaha), iyo Harawa (gobol Itoobiya kamid ah oo sidoo kale qabiilka Gadabuursi dego). Gobolka Sitti oo asna beeshu degto, laakiin la degto qabiilka Ciise ayaan haba yaraatee ka muuqaan tabeelaha, taas oo lagu macneeyey in aan magaca beesha Ciise shirka looga baahneyn. Beesha Ciise ayaa badi mucaarad ku ah dawladda Ismaaciil Cumar Geelle.

Su’aal aad la isku weydiinayey baa ah, Awdal waa gobol kamid ah Soomaaliya ee maxaa Soomaali shireysaa u inkirayaan dalkooda, u se qireen kan Jabuuti?

Jawaabtu waa mid sahlan, waa se waqti kale.

Khilaafka labaad baa asna ahaa yaa shirka yimid, yaa se ka maqan, waana tan ugu muhiimsan?
Dhanka Ottawa oo lagu tiriyo magaalo aqoonyahanka beeshu ku badanyahay, tiro ahaana la yiraahdo waxay beeshu kor u dhaaftay 8kun, tiro aad u yar ayaa shirka ka soo qaybgalay.

Shirka waxaa yimid, qabanqaabiyey, maalna galiyey, oo waliba lagu sheegay in isla ayagu daaha dabadiida ka hagayaan laba nin oo aad looga yaqaan beesha dhexdeeda.

    1. Cabdirisaaq Cali Cismaan (Dhegaweyne) – Cabdirisaaq waxaa soddog u ah Janaraal Sakariye Shiikh Ibraahim, Ismaaciil Cumar Geelle ina adeerkiis, ahna Taliyaha Ciidamada Jabuuti. Cabdirisaaq waxa uu ahaa maamulaha (campaign manager) doorashadii Ismaaciil Cumar Geelle ee sannadkii 2021 oo Cabdirisaaq ku guulaystay in doorashada uu Ismaaciil Cumar Geelle ku guulaysto boqoley dhan 98.58%. Cabdirisaaq waxa kale oo uu ahaa nin aad looga dhex arkayey doorashadii Muuse Biixi, kana mid ahaa xubnaha sare ee xisbiga Kulmiye, maalgalinta xisbiga Kulmiyena kaalin weyn ku lahaa.
    2. Ismaaciil Yuusuf Wadaad – Ismaaciil waa Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Saylici ina adeerki, waana lataliyaha Saylici dhanka Siyaasadda.
      Waxaa kale oo shirka lagu casumay, yimidna:
    3. Maxamed Cabdullaahi Obsiiye – Maxamed wuxuu kamid ahaa raggii aasaasay Awdal State, laakii markii danbe sannadkii 2016 ula galay Siilaanyo oo waqtigiisii asbuucyo ka harsanyihiin, kana noqday wasiir muddo asbuucyo ah, laguna eedeeyo in uu ahaa ninkii dhabarjabiyey halgankii hubeysnaa ee Suldaan Wabar
    4. Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ugaaska beesha Gadabuursi
    5. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Shanti nin ee kore ayaa badi aqoonyahanka beeshu hadda ku eedeynayaan in aysan dan ka lahayn in ay beeshu ka faramarnaato Somaliland iyo Jabuuti, ayaga oo farta ku fiiqaya tabbeelaha iyo sida magacii Soomaaliya loo inkiray.Waxaa kale oo qabanqaabiyayaasha shirka Ottawa ee beesha lagu eedaynayaa in ay inkireen kaalintii haweenka oo haweenka maanta kaalinta hore uga jira halganka Awdal State ka madaxbannaan Jabuuti iyo Somaliland aan mid kamid ah shirka lagu casumin.

Shirka waxaa kale oo lagu eedaynayaa in ay ka maqanyihiin saddex nin oo maanta kaalin weyn kaga jira halganka xoreynta Awdal State, ka maqnaanshadooduna la macno tahay in aan Ottawa ka soo socon wax ka duwan wixii hore looga bartay labada qabanqaabiye.

Ragga maqan ee aan la casumin ayaa kala ah:

  1. Suldaanka Guud ee beesha Gadabuursi Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar. Suldaan Wabar yaa hore qori ugu qaatay sidii loo heli lahaa maamul goboleed madaxbannaan, illaa maantana u qareema sidii loo heli lahaa Awdal State xor ah oo aan laga maamulin Hargeysa iyo Jabuuti toona
  2. Mukhtaar Cali Aadan Yaabe, Guddoomiyaha Jamaahiirta Awdal State (Awdal State Defense Forces ASDF). Mukhtaar waa shakhsigii ugu horreeyey ee Jabhad hubeysan oo ka soo horjeedda maamulka Somaliland kaga dhawaaqay gudaha Awdal. Mukhtaar ayaa rumeysan in “dadka shirka qabanqaabiyey iyo kuwa ka soo qaybgalay aysan horena uga shaqayn dan Gadabuursi, haatanna aysan Ottawa ka wadin wax dan u ah beesha.”
  3. Jacfar Shiikh Jaamac, Madaxweynaha Awdal Land State. Awdal Land State iyo Awdal State waxaa ka dhexeeya xiriir dhow, waxayna ka wada shaqeeyaan sidii Somaliland looga saari lahaa gobolka Awdal

Daljir ahaan waxaan go’aansanay in aynaan qaban wax waraysi ah oo ku saabsan shirka, illaa ay ka soo baxayaan go’aamada shirku.

Berri waa maalinkii labaad ee shirka, isla berrina waxaa la filayaa in uu shirku soo xirmi doono.
ku taxnow Daljir oo kala soco Shirka Beesha Gadabuursi

Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: