Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika oo ka furmaya Itoobiya

HomeWararka

Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika oo ka furmaya Itoobiya

Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa gaaray Magaaladda Adis Abab

Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Buuhoodle (dhegayso)
Dawladda Qadar oo ciidamo ka qoratay (qoranaysa) Soomaaliya (dhegayso)
MARTISOOR & Sanatar Gaagaab: Waayo hore, Dhismihii Puntland & Waliba Waayihiisa Siyaasadda

Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa gaaray Magaaladda Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika kaas oo ka dhici doona Magaaladda Adis-Ababa.

Janeraal Xijaar ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Ethiopia Gen. Demelash Gebremicheal maadaama Ethiopia ay la wareegeyso hoggaanka (EAPCO) East Africa Police Chiefs Organisation

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Shirka, isaga oo kaga hadli doona xaaladda Amni ee Soomaaliya, howlgallada ay sameeyaan Ciidamada Booliska & wadashaqeynta ay la leeyihiin Ciidamada Booliska kale ee dalalka Afrika.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Saraakiisha kasoo qeyb gasha shirkaas, isaga oo kala hadli doona dib u dhiska iyo horumarinta Ciidamada Booliska Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: