Shirkii urur goboleedka IGAD oo ka furay magaalada Kampla, loogana hadlayo xiisadda ka dhalatay xadgudubka Itoobiya ee madaxbannaniada Soomaaliya.

Shirkii urur goboleedka IGAD oo ka furay magaalada Kampla, loogana hadlayo xiisadda ka dhalatay xadgudubka Itoobiya ee madaxbannaniada Soomaaliya.

Magaalada Kampla ee dalka Uganda waxaa ka furay shirkii an caadigayn ahayn ee madaxda urur goboleedka IGAD kaasoo uu soo jeediyey qabashadiisa madaxweynaha Jabbuuti oo kalkanna ah guddoomiya urur goboleedka IGAD.

Shirkaasi ayaa looga hadlayaa xiisadda siyaasadeed iyo xaalada ka soo siyaadday Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii dowladda Itoobiya ay ku dhaqaaqday tallaabooyin xadgudubku ah qaranimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, ayna ugu weyn tahay damaca bad-doonitaan ee dowladda Itoobiya, kaasoo ay bilaw heshiiska kala gashay Somaliland oo weli ka mid ah sharciyan jamhuuriyadda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee noociisa ah, loogana hadlayo qaddiyadda cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya tan iyo markii xiisaddaan siyaadadeed soo cusboonaatay, waxaana lagu wadaa in ay ka soo baxaan go’aamo goboleed oo quseeya arrinkaan.

Dhanka Soomaaliya shirkaasi waxaa ka qaybgalya wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, uuna ka mid yahay kuxigeenka R/wasaaraha Soomaaliya Saalax Axmed Jamac

Dhinaca kale war uu soosaaray golaha ammaanka iyo nabadgalyada ee midawga Afrika ayaa lagu garab istaagay qaddiyada diidmo ee dowladda Soomaaliya iyo dadkeedu uga gilgisheen in Itoobiya ay ku soo xad-gudubto dhulkeeda, iyadoo goluhu tilmaamay in aysan aqbalayn in wax loo dhimo madaxbannaanida qaran iyo dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Horay waddamo badan oo adduunka ah, iyo midawyo urur uu dunida ah ayaa taageeray mawqifka dowladda Soomaaliya ee ay ku difaacayso dhulkeeda iyo qaranimadeedaba.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com