Shirkii Guddiga farsamada ee Baydhabo oo laga soo saaray War-Saxaafadeed

HomeWararka

Shirkii Guddiga farsamada ee Baydhabo oo laga soo saaray War-Saxaafadeed

Guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada kuna shirayay maalmahan magaalada Baydhabo ayaa soo saaray War-murtiy

BOSSASO & BADBAADINTA DHALLINTA TAHRIIBTA & KAHORTAGGA KAGANACSIGA DHALLINTA (daawo)
RW Ku-xigeenkii Ahaana Wasiirkii Arrimaha Dibadda Hore ee Soomaaliya oo Geeriyoodey
Xildhibaanada Cusub ee Koonfur galbeed oo laga horyimid

Guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada kuna shirayay maalmahan magaalada Baydhabo ayaa soo saaray War-murtiyeed ka kooban shan qodob.

Guddiyada waxa ay ka hadlen caqabadaha heysta doorashooyinka Soomaaliya maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxda dowladda Soomaaliya.
Qodobada guddiga ay soo saareen ayaa waxa uu udhignaa sidan:

1: Cabasho laga muujiyay Guddiga Doorashada ay dowladda Magacaawday.

2: Xal u helida gudd iga dooraashada Somaliland.

3: Xaalada Gobolka Gedo oo ah caqabada koobaad ee doorashooyinka Soomaaliya, balse ay sheegeen in xal laga gaaray.

4: Adkeynta Qoondada Haweenka.
5:Jadwalka Qabsoomida Doorashada.
Dhamaan shanta qodob oo ay soo saareen guddiga ayaa waxaa loo gudbiyay madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada si ay uga tashadaan qodobadan, unasoo saaraan go’aan la isku raacsan yahay.
Diiwaanka wararka Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: