HomeUncategorized

Shirkii dib-u-heshiinta Jubbooyinka oo xirmay xili ilaalinta nabada iyo horusocodka lagu heshiiyey

Muqdisho, November 6, 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane xasan sheikh maxamuud ayaa goor dhowayd oo maanta ah soo xiray shirkii dib-u-heshiinta Jubbooyinka, oo muddo afar maalmood ah.

M/weynaha Puntland oo walaac ka muujiyey in rabshadaha ka socda dalka Yamen oo ku soo fatahaan Puntland.
Dowladda Puntland oo Dhakhaatiir u Dirtay Goobaha ka baxsan laamiga
Maxkamadda darajada koobaad ee Nugaal oo dil ku xukuntay nin ka tirsanaa Alshabaab, dilalna Puntland ka gaystay.

Muqdisho, November 6, 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane xasan sheikh maxamuud ayaa goor dhowayd oo maanta ah soo xiray shirkii dib-u-heshiinta Jubbooyinka, oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka., isla markaasna heshiis guud iyo heshiis nabbadeed.

?shacabka Jubbooyinka waxaan kula dar-daarmayaa in aysan colaad dambe dhicin, nabada maanta la gaaray waa mid dadka Jubbooyinka ay leeyihiin, waxaan ku baaqayaa in horumarka loo dhaqaaqo.? Ayuu yiri Xasan sheikh Maxamuud

Qoddobo ilaa lix gaaraya oo dhamaantood muujinaya in xasilooni lagu wada-noolaado isla markaasna laga shaqeeyo horumarka maamulka Jubba ayaa heshiis lagu gaaray, waxaa munaasabada soo xiritaanka hadalo ka jeediyey, madaxweynaha dalka xasan sheikh maxamuud, madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe, wasiirka arrimaha debeda itoobiya Tedros Adhanom iyo madax kale.

Heshiiska ayaa loo qayb-geyey labbo, waana heshiis guud ee shirka lagu gaaray iyo heshiis nabadeed oo ay gaareen beelaha iyo weliba dhinacyada kala duwan ee Jubbooyinka, Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdikariin xuseen guuleed ayaa akhriyey qoddobada lagu heshiiyey.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: