Shirki Golaha  Xukuumadda Dawladda Puntland oo looga hadlay Amniga iyo Arrimo kale

HomeWararka

Shirki Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo looga hadlay Amniga iyo Arrimo kale

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga

Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Howlgalo dad lagu soo qabtay oo Gaalkacyo ka socda (Daawo)
Madaxweyne Deni oo kormeer ku tagay Isbitaalka guud ee Gaalkacyo (daawo)

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay arimaha, Amniga Dalka, Habka Hubinta Badeecadaha, Ilaalinta Gaadiidka Dawladda gaar Gaadiidka G D ah.

Xaaladda Amniga Dalka:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay wasaaradda amniga Puntland, isla markaana wuxuu Madaxweynuhu si gaar u bogaadiyay ciidankii hawl-galka ka fuliyay Degmada Boosaaso oo ka hortagay xubno Al-shabaab ah oo doonayay inay dhibaateeyaan shacabka Puntland iyo ciidanka Boowliiska Puntland.

Habka Hubinta Badeecahada:

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka dhageystay warbixin wasaaradda Ganacsigga Puntland qaabka hubinta tayada iyo bad-qadka dhammaan baddeecadaha dalka soo gelaya si looga ilaaliyo shacabka Puntland qatarta iyo waxyeelada baddeecaha dalka la soo gelinayo, waxayna wasaaraddu caddeysay in hannaanka tayo dhowr Puntland uu la mid yahay hannaanka tayo dhowrka Barigga Africa, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u sheegay Wasaaradda in loo sameeyo shacabka iyo ganacsatada-ba wacyigelin guud oo ku saabsan khatarta iyo waxyeelada badeecaha dhacay ama sumaysan ay u geysanayaan caafimaadka bulshada.

Ilaalinta Gaadiidka Dawladda ee G D ah:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday ilaalinta hantida Umadda gaar ahaan gaadiidka G D ah, wuxuuna Madaxweynuhu ku adkeeyay dhammaan golaha inay mas’uuliyad saaran tahay golaha xukuumadda ilaalinta dhammaan hantida Dawladda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: