Soomaaliya oo mar kalle hogaaminaysa musuqa caalamka (Dhegayso)

Soomaaliya oo mar kalle hogaaminaysa musuqa caalamka (Dhegayso)

Warbixin ay soo saartay Transparency Internation ayaa waxa ay shaaca uga qaaday in dalka Soomaaliya uu weli kaalmaha hore kaga jiro Wadamada ugu musuq maasuqa badan Caalamka.
Liiskaan Sanadlaha ah oo ay Hay’addu soo saartay ayaa muujinaya in Soomaaliya oo ka mid ah Wadamada Qaarada Afrika ay kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa.
Hay’adda ayaa qiimeyn ku sameysa musuq maasuqa ay sameeyaan madaxda Dowladda taas oo aan wax ciqaab ah u marin.
Hay’adda oo soo xiganeysa khuburo sameeyay baaritaano ayaa sheegtay in dalalkaan la soo saaray heerka uu gaarsiisan yahay musuqa ka jira lagu cabiray 1 illaa 100,dalalka ugu horeeyana ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed.
Qiimeyntaan ay Hay’adda Transparency Internation waxa ay ku eegeysay Sanadkii tegay ee 2017,iyada oo Warbixinta aysan ku sheegin dal helay 100 dhibcood balse dalka kaliya ee u dhawaaday uguna musuq maasuqa yaraa uu ahaa dalka New Zealand.
Dalalka Denmark  iyo Finland ayaa iyana helay  85 iyo 88  kuwaas oo lagu tilmaamay in ay yih
Hadaba, saamayn intee la’eg ayuu bulshada Soomaaliyeed ku hayaa musuqmaasuqa ayaan waxaan waydiinay Prof Cabdiwali Cabdiraxmaan Gayre oo ah guddoomiyaha jaamacadda Bosaso, dhigana maadada hogaaminta ee jaamacadda.
Dhanka kalle diinta islaamka maxay ka qabtaa mowqif intee la’eg ayay ka istaagtay musuqmaasuqa, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Ciise ayaan wax ka waydiinay Maxamud Cabdi Ibrahim ayaana su’aashaasi hordhigay.
 Hoos kadhegayso Profasoorka

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com