Shirkadda Forex ee Future Trade oo Dowladda Faderaalka usoo jeediyay inay shacabka ay dhagaysato (sawiro)

Shirkadda Forex ee Future Trade oo Dowladda Faderaalka usoo jeediyay inay shacabka ay dhagaysato (sawiro)

Macmiisha maalgashiga  ku samaysay Shirkada Onlineka ee Future Trade oo isusoo bax ka sameeyay bartamaha magalada Muqdisho ayaa madaxda dowladda faderaalka ka codsaday inay xanibaadda ka qaado hantidooda , loona fasaxo shaqooyinkooda, maamulka shirkadda Forex ee Future Trade ayaa sheegay in hantidooda ay u hayaan macaamiishooda, balse dowladfda faderaalka ay ka codsanayaan in ay dhagaysato shacabka oo ay u fasaxdo hantida shirkadda ay u hayso.

 

Qaar ka mid ah dibadbaxyaasha ayaa dhankooda sheegay inaanay dacwad ka ahayn shirkadda, balse ay dowladda ka codsanayaan in xayiraadda ay ka qaaddo hantidooda oo ay samayso caddaalad.

 

Ganacsiga Forex ayaa waxaa ka shaqaysan jiray dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo shaqo la’aan ay ku haysay dalka, waxaana la rumaysanyahay haddii ganacsigaan uu shaqeeyo dhalinyaro badan ay heli lahaayeen fursado shaqo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com