HomeUncategorized

Shirkadda Apple oo Raali-galin siisay Somali la Cansuriyeeyay

Somalia, November 12, 2015-(Daljir)_ Koox Arday Somali iyo Sudan wax ka barata dalka Australia ayaa loo diiday inay galaan Dukaanka Shirkadda Apple Store ku leedahay magaalladda Melbourne ee dalka Australia.

Shacabkii ka barakacay Galkacyo oo aan weli qabin kalsooni ay ku laabtaan.
Puntland oo Mowqif Adag ka Istaagtay in Xayiraad la Saaro Shidaalka Somalia
DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Isniin_08

Somalia, November 12, 2015-(Daljir)_ Koox Arday Somali iyo Sudan wax ka barata dalka Australia ayaa loo diiday inay galaan Dukaanka Shirkadda Apple Store ku leedahay magaalladda Melbourne ee dalka Australia.

Muuqaal Video oo la soo dhigay Barta Twitterka ayaa laga arkayey mid ka mid ah Ilaaladda Dukaanka Shirkadda Telefoonadda Apple joogay oo Ardaydaasi ka horjoogsaday inay galaan Bakhaarka si ay uga soo Dukaamaystaan. Muuqaalka Video-ga oo ahaa Kilib yar oo 30 seken socday ayaa waxa uu Ninka Waardiyaha sheegay inuu ugu diiday, si aysan u xadin Macaamiisha ku sugan gudaha Apple Store.

Mid ka mid ah Wiilasha ayaa Ilaaliyihii weydiiyey waxa iyaga ku kallifayo inay wax xadaan.

Ilaaliyihii waxa uu hadalkiisa ku soo koobay: “Dhallinyarro, joojiya hadalka. Waxaan doonayaa inaan idinka codsado inaad ka tagtaan Dukaanka.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Dukaanka Apple Store ayaa sheegay inay ka xun yihiin falkaasi, looba baahan yahay in Macaamiisha si isku mid ah loola macaamiltamo.

Shirkadda Apple ee farsameysa Mobayladda casriga wey ka gaabsatay inay ka hadasho Xadgudubkaasi.

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: