Shacabkii ka barakacay Galkacyo oo aan weli qabin kalsooni ay ku laabtaan.

Galkacyo, Nov 14 2016-Qaar kmaid ah shacabkii ka barakacay dagaalkii mudada bisha badan kasocdey magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka walaacsan inay dib ugu laabtaan magaaladaasi.

Inkabadan 300 oo ruux oo ku barakacay deegaamo miyi ah oo lahadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in aysan ku kalsoonayn ammaanka magaalada maadaamaa aan weli lakala qaadin ciidankii labada dhinac.

Dadkaani ayaa sheegay inay soo wajahday xaalad adag oo nolol xumo islamarkaana ay ka codsanayaan Puntland iyo Galmudug inay meelmariyaan heshiiskii Galkacyo lana kala qaado ciidamada labada dhinac.

Puntland iyo Galmudug ayaa Galkacyo ku gaarey heshiis hordhac ah oo lagu joojinayo dagaalka magaalada Galkacyo iyadoona wejigiisa labaad loogu ballamay Kismaayo.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com