Shirka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe

HomeWararka

Shirka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada ee Maanta. Xaalada Siyaasada wad

Barnaamijka Muuqaalka Bulshada,Caabudwaaq oo aysan ka shaqaynin lacagta shilinka Soomaaliga ah (dhegayso)
Tartan iyo Tacliin: Yey guusha raacday Afartii Dugsi Sare ee tartamay? (daawo)
Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika oo ka furmaya Itoobiya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada ee Maanta.

Xaalada Siyaasada wadanka iyo dhacdooyinkii u danbeeyay ayuu Madaxweynahu u sharaxay golaha iyo sida ay Jubbaland ula jaanqaadayso howlaha socda dhinaca amaankana wuxuu sheegay in howlgalo dhawaan bilaabanaya Gobolka Jubbada Dhexe lagaga xoraynayo kooxda Al-Shabaab waxaana uu sheegay in doorka ugu muhiimsan ay tahay sidii Bulshadu ay uga qayb qaadan lahayeen.

Gudiga midaynta dakhliguna waxay ka warbixiyeen halka ay u marayaan howlaha lagu midaynayo dakhliga Jubbaland iyo talaabooyinkii u danbeeyay ee ay qaadeen iyagoo sheegay in Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ay si fiican ula shaqaynayaan.

Dhinaca kale Wasaarada Macdanta Tamarta iyo Biyaha ayaa soo gudbisay labo xeer oo kala ah Xeerka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xeerka Siyaasada Jihaynta iyo Iskaashiga Dowlada iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwaas oo golahu uu dhawaan meel marin doono.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: