Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo furmay & Qodobadii looga hadlay

HomeWararka

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo furmay & Qodobadii looga hadlay

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee Maanta ka furmay Xarunta teendhada Afisiyooni ee

Maanka Dadwaynaha ee Daljir iyo Maxamud Fantastic (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Maxamed Nadiif, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee Maanta ka furmay Xarunta teendhada Afisiyooni ee Msgaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu oo shirka faah faahinayay ayaa sheefay in diirada lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Guddiyo ka socda Golaha wadatashiga Qaran ay la kulmi doonaan Wakiilada Beesha Caalamka, Xubno matalaya Midowga Musharrixiinta, Ururada Bulshada Rayidka si ay u dhageystaan talo aoo jeedin tooda la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Ugu dambeyn Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu wuxuu sheegay in Xukuumadda iyo Golaha wadatashiga Waran ay ka go’an tahay in laga guul gaaro doorashada, sidoo kalena lagu xaliyo hadii ay jiraan meelo lagu kala aragti duwan yahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: