Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo Maalintii labaad galay

HomeWararka

Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo Maalintii labaad galay

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa Maalintii labaad galayq shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeeyey maamulka Koonfur Galbeed iyo qaar ka

Baarlamnaka Jubbaland oo Ansixiyay Miisaaniyadda ku celiska ah
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay muddo kordhinta QM ee cunaqabataynta hubka
Urgent Concerns On Direction Headed by the Federal Republic of Somalia Executive Branch

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa Maalintii labaad galayq shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeeyey maamulka Koonfur Galbeed iyo qaar ka tirsan siyaasiyiinta maamulkaas.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa ka hadlay muhiimadda shirka iyo in aragtiyada la isku soo dhaweeyo, iyaga oo ku baaqay in wax walba wada-hadal lagu dhameeyo.

Furitaanka shirka ee shalay oo dad badan lagu casuumay ayaa Maanta wixii ka dambeeya uu noqon doonaa mid sigaar ah ay u wada hadlaan dadka Reer Koonfur Galbeed si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Arrimaha laga wada hadlayo ayaa waxaa kamid ah xal ka gaarista mad madowga ku dhexjira siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, bilaabida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimo kale.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lagu arkayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo Amniga xaqiijinaya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: