Shir wadareedka Golaha Wasiirada oo Maanta la soo geba-gabeeynayo

Shir wadareedka Golaha Wasiirada oo Maanta la soo geba-gabeeynayo

Waxaa Maanta lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre uu soo xiro shir wadareedka Golaha Wasiirada, kaas oo shalay uga furmay Magaalada Muqdisho.

Sida uu ra’iisal wasaaraha sheegay kulanka ayaa lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galleysa qaarkood ayaa Maanta hadal ka jeedin doona shirka, iyaga oo soo bandhigi doona qorshahooda Shaqo ee sanadaha soo socda iyo waxka qabashada Arrimaha Abaaraha iyo Amniga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com