HomeUncategorized

Shir madaxeedka dalalka Africa iyo Japan oo Nairobi ka furmaya.

Niarobi, Aug 27 2016--Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shir u dhexeeya dalalka Afrika iyo sidoo kale dowladda Japan ee TICAD loo yaqaano.

DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo wariye Geeddi
DHEGEYSO-Barnaamikii waxbarashada xarunta Daljir Qardho 09 07 2016.
Ganacsato Soomaali ah oo dukaamadoodii lagu boobay Koonfur Afrika, qaarna la dhaawacay.

Niarobi, Aug 27 2016–Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shir u dhexeeya dalalka Afrika iyo sidoo kale dowladda Japan ee TICAD loo yaqaano.

Dowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii, waxaana ujeeddadiisu ay ahayd kobcinta horumarka Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Markii ugu horeysey Soomaaliya ayaa TICAD ka qaybgashay 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: