Shir looga hadlayso Dib u eegista Sharciga Socdaalka oo Kismaayo ka furmay

Shir looga hadlayso Dib u eegista Sharciga Socdaalka oo Kismaayo ka furmay

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Maamulka Jubaland ayaa waxaa maanta ka furmay Shirka Wadatashiga Dib u eegista Sharciga Socdaalka Soomaaliya oo la sameeyay 1966-dii.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas”uuliyiin ka socotay xildhibaada iyo wasiirada Jubbaland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka , Awqaafta iyo arimaha Diinta iyo La taliyaha dhanka arimaha sharciga Madaxtooyada Jubbaland iyo qeybaha kala gadisan ee Bulshada reer Jubalalnd,

Dhamaan dadkii kasoo qeybgalay furitaabka shirkaan ayaa si isku mid ah u sheegay in ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka dalka, maadama sharciga hada jira markii la sameenayay uu dalku ahaa dowlad dhexe balse hada la qaatay nidaamka Federaalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com