Shir looga hadlayo Arrimaha Khayradka oo Kenya kadhacay

HomeWararka

Shir looga hadlayo Arrimaha Khayradka oo Kenya kadhacay

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraatka Badda C/Raxmaan Maxamed Cali Xaashi iyo mas’uuliyiin kale. Ujeedka ayaa ahaa in

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Madaxweyne Xaaf oo ku dhawaaqay inuu dib ula soo noqday Mas’uuliyaddiisa Galmudug
Guddi Nabadayn Ah oo u Ambabaxay Degaanka Cagaare oo Maalmahan Ay Ka Jireen Dagaalo Sokeeye

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraatka Badda C/Raxmaan Maxamed Cali Xaashi iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka ayaa ahaa in lagu falanqeeyo sida looga faaiideysan karo Kheyraatka Badda Soomaaliya, iyo raadinta Maalgashadayaal.

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa sheegay in heshiiskii Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada lagu saleyn doono ka faaiideysiga Kheyraatka Badda.

Waxa uu bogaadiyay in la helo Shirkado buuxiya shuruucda dalka, si labada dhinac ay faaiidooyin ugu helaan Dakhliga kasoo baxa Kheyraatka.

Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo lagu daray Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku heshiiyay in lacagaha kasoo baxo Bixinta Ruqsadaha Shirkadaha loo siinayo Kalluumeysiga Badda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: