HomeUncategorized

Shir looga arrinsanayo siyaasadda waxbarasho ee Puntland oo ka furmay Garoowe.

Garowe,Mar 10 -Shir lagu jaan goynayo siyaasadda waxbarshada ee Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Tartan iyo Tacliin ee Daljir 15 July 2016.
DHEGEYSO-Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari oo xukumo ku ridey eedaynsayaal.
Afhayeenka baarlamaanka Puntland oo aan waraysanay.

Garowe,Mar 10 -Shir lagu jaan goynayo siyaasadda waxbarshada ee Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa dib u eegis lagu sameeynayaa siyaasadda waxbarshada ee Puntland oo la dejiyay sanadkii 2005-tii iyo qorshayaasha wasaaradda waxbarshada Puntland shanta sano ee soo socoto.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada Puntland Maxamed C/wahaab oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay,shirkan inuu yahay shirweyne lasoo qabanqaabiyay islamarkaana ay ka qaybqaadanayaan culimada iyo aqoonyahanada kale ee deegaanada Puntland.

Waxaa uu sheegay qorshahan inuu soo maray heerar kale duwan sidoo kalena turxaan bixin inay kusoo sameeyeen aqoonyahano kale duwan oo katirsan wasaaradda waxbarshada Puntland.

Shirka maanta furmay ayaa waxaa la filayaa inuu socdo muddo laba maalmood,waxaana la filayaa gabagabadiisa in laga soo saaro nuxur lagu horumarin doono wasaaradda waxbarshada Puntland.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: