Shil khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Garoowe (dhegayso)

Shil khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Garoowe (dhegayso)

Shil gaari candhe maydle ah uu gaysatay oo sababay dhaawaca hal ruux iyo bur bur hantiyeed ayaa ka dhacay wadada laamiga ah ee isku xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso .

Taliye Ismaaciil xirsi oo shilkaasi iyo khasaaraha ka dhashay uga warramayay idaacadda ayaa tilmaamay in shilalka soo badanaya ay sababayaan waddayaasha gaadiidka oo aan masuuliyad iska saari birta ay waddaan ,Baabuurta oo si xadka ka baxsan u soo badatay iyo wadada oo ah mid ciriir ah oo aan ku filnayn baabuurta.

Sidoo kale Taliye (Qabaal) ayaa xusay inay hoos u dhacday sannadkii dhammaaday ee 2017 tirradda shilalkii ka dhacay Puntland marka loo bar bardhiggo kuwii sannadihii hore ka dhacay .

Taliye qabaal ayaa hadalkaan sheegay isagoo ka warbixinayay shil gaari oo kadhacay Tuulladda 22 aad labbo iyo labaa tanaad magaaladda Garoowe kaga beegan dhanka bari .

Wariye Axmed Sheekeeye ayuu uga warramay shilka halkaasi dhacay iyo khaasaraha rasmiga ah ee ka dhashay .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0