HomeUncategorized

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gobolka Nugaal.

Garowe, Apr 11 -Shil gaari oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacyo ku Qaabilay Dimplumaasyiin Shisheeye
Dhagayso Barnaamijkii Kulanka Haweenka Radio Daljir Wariye Faadumo Cabdullaahi Sulaymaan

Garowe, Apr 11 -Shil gaari oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

3-qof oo laba ka mid ahi ay carruur yihiin ayaa ku geeriyooday shilka, waxaana ku dhaawacmay 9-qof oo dhaawacyadooda la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

Shilkan gaari ayaa waxaa uu yimid, kadib markii uu rogmaday gaari wayn oo ay dadkani lasocdeen oo marayay tuulada laba iyo labaatanaad ee kantoroolka bari ee magaalada Garoowe.

Gaariga oo ka tagay magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu ku siijeeday degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Maamulka isbitaalka guud ee magaalada Garoowe Maxameed Jaamac ayaa Radio Daljir u sheegay inay ku rajo waynihiin inay baxnaaniyaan dhaawacyada isbitaalka la gaarsiiyay.

Taliyaha ciidanka wadooyinka ee gobolka Nugaal Siciid Jaamac Xasan oo isaguna la hadlay radio Daljir ayaa ku sababeeyay rogmashada gaariga inay sabab u ahayd mid ka mid ah taayarka gaariga oo qarxay.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: