Shiikh Shariif Shiikh Muxyadiin oo maanta lagu aasay Muqdisho

Shiikh Shariif Shiikh Muxyadiin oo maanta lagu aasay Muqdisho

Magaalada Muqdisho galabta waxaa lagu aasay Alle ha u naxariistee Shiikh Shariif Shiikh Muxyadiin Celi oo maanta geeriyooday, shiikhaasi oo ka mid ahaa culimada aad u magac dheer ee Soomaaliya.

Aaska Shiikha, waxaa ka qaybgalay madax dawladda, siyaasiyiin waaweyn, culimo iyo qaybo badan oo bulshada ah, iyadoo maamuuskiisa aasna laga jeediyey khudbado taariikh warran iyo u ducayn Shiikh la xiriira, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyey madaxda sare ee dalka.

Shiikh Shariif Shiikh Muxyadiin, muddo dheer ayuu ku foognaa fidinta diinta islaamka, wuxuuna lahaa mawlac soo jireen ah oo culimo ahaan ay iska dhaxleen dhawr fac, waxaana badanka gobollada dalka ku nool dadkii ka aflaxay mawlacaasi oo hadda ah culimo diinta fidisa.

Wuxuu soo noqday guddoomiyaha culimada loo yaqaan Ahlusunna Waljamaaca, Labadii sano ee ugu dambeeyeyna Shiikhu waa uu xanuusanaa.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com