Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo xiisadda Afisiyooni

Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo xiisadda Afisiyooni

Dadaalo xal loogu raadinayo in laga hortago isku-dhac dhex-mara Hay’adaha Amniga ayaa billowday, waxaana horboodaya Madaxweynayaashii hore ee dalka ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulan u dhaxeeya RW Rooble, Taliyihii Ciidanka Booliska ee la sheegay in Shaqada laga joojiyay, Madaxweynayaashii hore ee dalka, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka socda Saldhiga Airport-ka Muqdisho.

Arrintaan ayaa looga gol leeyahay sidii si Nabdoon loogu qqaban lahaa doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo Ciidamo katirsan dowladda ay isku dayayaan inay hor-istaagaan.

Xerada Afisiyooni ee xeendaabka Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka taagneyd xiisad ka dhalay qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo loo diiday inay galaan si ay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka uga qeyb galaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com