Sheekh shariif oo uga digay Madaxweyne Farmaajo mudo kororsi

HomeWararka

Sheekh shariif oo uga digay Madaxweyne Farmaajo mudo kororsi

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in marxalada maanta ay ku sugan tahay Soomaaliya in ay tahay mid jahwareersan loona

Dhegaysiga dacwada kiiska dilkii Guddoomiyihi hore ee degmadd Hodan oo bilowday
Madaxwaynihii hore Dowladda Faderaalka Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka hadlay khilaafka baarlamaanka
Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS oo Dhuusamareeb gaaray (sawiro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in marxalada maanta ay ku sugan tahay Soomaaliya in ay tahay mid jahwareersan loona baahan yahay in dhammaan Madaxda iyo Shacabka ay u istaagan si wax looga qabto.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Waqtigiiso dhammaaday iyo xukuumaddiisa xil gaarsiinta ay raadinayaan Muddo kororsi xilli uu dhammaaday muddo xileedkii la doortay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo looga baahnaa muddo xileedkiisa ka hor in uu soo bandhigo muddo korosiga uu rabo si umada Soomaaliyeed ay uga fakarto , islamarkaana lagula xisaabtamo.

Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan sidii loo badbaadin lahaa dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0