Madaxwaynihii hore Dowladda Faderaalka Soomaaliya  Sheekh Shariif oo ka hadlay khilaafka baarlamaanka

HomeWararka

Madaxwaynihii hore Dowladda Faderaalka Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka hadlay khilaafka baarlamaanka

Madaxwaynihii hore Dowladda Faderaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan golaha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday

DFS oo agab Caafimaad gaarsisay dhuusamareeb
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Nigeria iyo Indonesia (daawo)

Madaxwaynihii hore Dowladda Faderaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan golaha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waday inay maanta kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, balse la hakiyay kadib codsi ka yimid madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Hoos ka akhriso.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan madaxda qaranka in gacmaha la isku qabsado sidii dalka loo badbaadin lahaa, lagana fogaado Khilaaf kasta oo horseedi kara in aan gacmaheenna ku burburinno geedi socodkii loogu jiray dowladnimada Soomaaliya, iyada oo maanka lagu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib loo yagleelo dowladnimada.

Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka.

Haddii isfahan lagu xalin waayo khilaafka taagan waxaan aaminsanahay in lagu kala baxo dastuurka dalka ee noo qoran aduunkuna noo aqoonsan yahay, iyada oo la ilaalinayo xasiloonida iyo sharafta qaranimadeenna.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: