Waddooyinkii xirnaa ee Muqdisho ayaa maanta dib loo furay

Waddooyinkii xirnaa ee Muqdisho ayaa maanta dib loo furay

Ciidamada ammaanka ee dowladda faderaalka ayaa dib u furay waddooyinka kalle duwan ee magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyey ay xirnayd.

Furitaanka wadddooyinka ayaa kusoo beegmaya iyadoo madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya uu hakiyay kulan ay baarlamaanku doonayeen inay maanta ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, si’ay mowshin uga qaadaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waddooyinka xirnaa ee magaalada Muqdisho ayaa saamayn ku yeeshay isku socodka gaadiidka dadwaynaha, waxaana cabasho ka muujiyay shacabka magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com