Sheekh shariif oo Fariin adag u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Sheekh shariif oo Fariin adag u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya inay faraha kala baxdo arrimaha gudaha Soomaaliya, isagoo farriin u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Sheekh Shariif oo xalay shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa ka hadlay arrinta Somaliland oo ay dowladda Itoobiya ku cadaadineyso wada hadalka dowladda Soomaaliya

“Arrinta Somaliland waa arrin qaran oo waqti iyo fikir u baaham dadka Soomaaliyeed ayay ka dhaxeysaa, waxaa leenahay cida gacmaha kula jirta hakala baxdo, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxay isku arkeen Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waxyaabo badan laga hadlay waxa laga hadlay oo keeni kara in la sii kala fogaado, wadiiqo fiican ma ahan xilliga hada la joogo xukuumadda hal shey laga rabaa wixii ay heysay ee gacanta ku heysay inay xajiso iyo howlaha socday, wada hadalka socday inuu sii socdo ayaa rabnaa, qof gaar u leh ma lahan, anaga oo dhan ayaa ka qeyb qaadanya, dadka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada”ayuu yiri Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Itoobiya inay ka taxadaraan inay soo farageliyaan arrinta qadiyada Somaliland iyo wada hadalada, isagoo caddeeyay inay doonayaan in kalsoonida dadka Soomaaliyeed iyo Itoobiya la soo celiyo, balse in arrimaheena inay gacmaha kula jiraan aanay wax fiican aheyn sida uu yiri Shariif.

Sheekh Shariif ayaa ka sheekeeyay arrin dhex martay isaga iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee ee Itoobiya Meles Zenawi, isagoo xusay in Meles uu xaqiiqsaday in uusan Soomaaliya ciidan ku qabsan karin.

“Aniga waxaa aaminsanahay nin Meles Zenawi ka xoog badan oo soo xukumay Itoobiya ma imaanayo, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya aniga waa is lahaa markii uu meesha yimid heshiis dhici doona, waxaas fileynay, wax kalena waa la sheegaa, laakiin mugdiga jira in la bixiyo rabnaa, Abiy Ahmed haddii uu rabo inuu Somaaliland inuu maamulo, Jubbaland iyo Gedo uu ciidamo geeyo, halkanna uu maamulo wax fiican maahan, Muuse Biixi kaligaa haddaa keeni karto waa howl kale noo sheeg, Muuse iyo dadka reer Woqooyi waan isku fiicannahay xiriir leenahay, waana Soomaali waxa isku dirirnay anaga naqaan, marka ku baahano annagaa ku yeereynaa”ayuu yiri Sheekh Shariif oo farriin gaar ah u dirayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com