HomeUncategorized

Shacabka Gardafuu oo ka mahadceliyey gurmadkii lagaarsiiyey xilligii adkaa.

Caluula, Sep 26 2016--Magaalada Caluula ee xaruunta gobolka Guardafu waxaa ku soo dhamaay shir toddobaadkii hore uga socday qaar ka tirsan beelaha degan gobolkaas, kaas oo ajandihiisu ahaa turxaan bixinta beelaha, xoojinta horumarka gobolka, sida arrimaha bulshadda, waxbarashadda, caafimaadka iyo jidadka.

Mid ka mid ah ardaayada Puntland oo Issim cusub ku caleemasaaray Garowe.
Puntland oo ku gacansayrtay samaynta Shillin Somali cusub, kuna hanjabtay in ay ka hortagayso socodsiinteeda.
DHAGEYSO: Warka Duhurnimo ee Radio Daljir

Caluula, Sep 26 2016–Magaalada Caluula ee xaruunta gobolka Guardafu waxaa ku soo dhamaay shir toddobaadkii hore uga socday qaar ka tirsan beelaha degan gobolkaas, kaas oo ajandihiisu ahaa turxaan bixinta beelaha, xoojinta horumarka gobolka, sida arrimaha bulshadda, waxbarashadda, caafimaadka iyo jidadka.

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyey isla markaasna guddoominayey Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay midnimada iyo amniga. War-murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in bulshadda deegaankaas ay go’aansadeen in ay hore u socdaan iyagoo muujinaya isku-tashi iyo wax wada-qabsi.

Shirka ayaa loogu mahadceliyey Isimadii, ganacsatadii iyo jaaliyadihii dibedda iyo bulshadda gudaha ee ka qayb-qaatay gurmadkii dib loogu furayey wadooyinkii ay goysay roobab duufaan watay oo deegaanka ka da’ay 9 bilood ka hor.

Docda kale, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo guddoomiyaasha degmooyinka Caluula iyo Bareeda ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay dhismaha xaruumaha degmooyinkaas ay ku shaqayn doonaan, kuwaas oo lagu dhisayo isku-tashi dadweyne, Beeldaaje Ismaaciil ayaa sidaas oo kale kormeeray deegaanka Xaabbo oo ay ka socdaan dhismayaal iskuulo iyo wadooyin kuwaas oo lagu dhisay deeq ay iska aruuriyeen bulshadda Puntland.

Geba-gebadii shirka ayaa si gaar ah waxaa uu Beeldaaje Ismaaciil ugu mahadceliyey Isimadii Soomaaliyeed ee booqday kana qayb-qaatay furitaanka wadada lafa-guray. Waxaana nuxurka shirkaas ku jiray baaq loo jeediyey ganacsatada iyo qurba-jooga Soomaaliyeed inay maal gashadaan gobolka.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: