Mid ka mid ah ardaayada Puntland oo Issim cusub ku caleemasaaray Garowe.


Garowe, Jan 13 – Mid ka mid ah ardaayada Puntland ayaa Issim cusub ku caleemasaaray caasimada Puntland ee Garowe.

Issimka cusub oo lagu magacaabo Baashe C/llahi Maxamuud Aw-Cismaan ayaa waxaa caleemsaaray beesha reer Cumar oo ka mid ah ardaayada Puntland.

Xaflada caleemasaarka ayaa waxaa ka qayb galay madaxda golayaasha dawlada Puntland, Issimo, nabadoono, urarada bulshada, iyo marti sharaf kale.

M/weyne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire oo ka qayb galay xaflada caleemasaarka ayaa bogaadiyey caleemasaarka Baashe C/llahi oo uu sheegay in ay Puntland soo dhawaynayso, aqbashayna Baashiga cusub. Gen. Shire ayaa u rajeeyey Baashiga cusub in Eebe hawshiisa u fudueeyo, uuna ku guulaysto.

Afhayeenka baarlamaanka Puntland C/rashiid M. Xirsi oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo caleemasaarka Baashiga, uuna ku rajo weyn yahay in uu noqdo mid laga faa’iido, bulshaduna ka manaafacaado.

Baashe C/llahi Maxamuud Aw-Cismaan oo khudbad kooban ka jeediyey munaasabada caleemasaarka ayaa sheegay in uu guud ahaan yahay Issim Somaliyeed, gaar ahaan mid Puntland oo dhexdhexaad ah, kana duulaya aayadda qur’aanka ah ee faraysa in la isugu gargaaro xaqqa, la iskana ilaaliyo xaq darrida.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com