Shacabka dalka Bolivia oo u dareeraya goobaha doorashada.

Shacabka dalka Bolivia oo u dareeraya goobaha doorashada.

Shacabka dalka Bolivia ayaa u dareeraya Doorashada guud, bisha May ee socota, doorashadaasi oo laga dareemayo guud ahaan dalka Bolivia.

Kuxigeenka Guddiga Doorashada dalka Bolivia Oscar Hassenteufel ayaa sheegay in la dooran doono Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, si ay u bedelaan Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Evo Morales iyo haweenayda lagu magacaabo Jeanine Anez oo hadda Madaxweynaha ku meel gaarka Bolivia ah.

Maalinta Isniinta ee soo socota ayaa lagu wadaa in Guddiga Doorashada Bolivia ay soo saaraan hab raaca Doorashada.

Morales ayaa xukunka laga tuuray bishii November ee sanadkii 2019, kadib markii ay dhaceen dibad baxyo looga soo horjeedo xakunkiisa.

Madaxweyne Anez ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigi doonto haddii uu wadanka ku soo laabto Morales, halka Morales’ uu ku adkeysanyo in uu wadanka ku soo laaban doono.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com