Senator Iftiin Xasan Baasto oo edeyey Madaxda DFS

HomeWararka

Senator Iftiin Xasan Baasto oo edeyey Madaxda DFS

Senator Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Dawlada Dhexe ku eedeeyay inay ka baxday heshii

Caawa & Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe
ROOB XOOGGAN OO KA DA’AY DOOLOW IYO DEEGANNO KALE OO GEDO AH
Maraykank oo kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya

Senator Iftiin Xasan Baasto oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Dawlada Dhexe ku eedeeyay inay ka baxday heshiisyadii kasoo baxay kulankii internetka ku dhex maray Madaxweynaha Jfs iyo Madaxda dawlad goboleedyada Dalka.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaliya oo ka baxay dhammaan heshiisyaddii lagu gaaray Shirkaasi, islamarkaana ay sababtay in uu baaqdo Shirkii golaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu sidoo kale ku eedeeyay in uusan waxba ka fulin qodobadii uu ballanqaaday, islamarkaana uu ki howlan yahay howlgallo kala fogeyn ah.

Waxaa uu sheegay in maamulka Jubbaland oo uu kasoo jeedo ay ka qeyb gali doonaan Shirka maamul goboleedyadda ee 9-ka Bishaan ka furmi doona Magaalada Dhuusamareeb.

Iftin ayaa nasiib daro iyo fashil ku tilmaamay in Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka maqan yihiin Shirka ka dhacaya Dhuusamareeb.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: