ROOB XOOGGAN OO KA DA’AY DOOLOW IYO DEEGANNO KALE OO GEDO AH

ROOB XOOGGAN OO KA DA’AY DOOLOW IYO DEEGANNO KALE OO GEDO AH

Roobka oo rasmi ahaan ka soo curtay dhanka bariga, ayaa doolow iyo deegaanno kale oo isla gobolka ah ka hooray maanta, waxaana meelaha qaarkood uu ka da’ayey wax ka badan hal saac oo xiriir ah, isagoo welina da’aya.

Inkastoo roobku dabayl watay, haddana weli lama soo sheegin wax khasaare ah oo uu geystay, hase ahaatee waa xilli hore, welina ma joogsan.

Curashada roobaan gu’ga ayaa ku soo beegmaysa xilli abaar iyo biyo la’aan darani ay ka jirtay gobolka Gedo, iyo dhul badan oo Soomaaliya ah.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com