Sarkaal Shabaab katirsan oo lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose

HomeWararka

Sarkaal Shabaab katirsan oo lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn shalay gelinkii dambe ka dhacday deegaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Xubin ka t

Wasiirka arrimaha Dibada Ugandha oo Muqdisho tagay
CAAWA & DALJIR | XUSEEN MADAR | DALJIR GAALKACYO
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Suudaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn shalay gelinkii dambe ka dhacday deegaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Xubin ka tirsan Al-Shabaab.

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo ahaa mid ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka uu bartilmaameedkisa ahaa horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya deegaanada howdka ah.

“Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, tani ayaa hoos u dhigaysa awooddii argagixisada iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa, waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: