Imaaraadka iyo Itoobiya oo  heshiis kala saxiixday

HomeWararka

Imaaraadka iyo Itoobiya oo heshiis kala saxiixday

Dowladdaha Itoobiya iyo Imaaradka ayaa magaalada Dubai ku kala saxiixday heshiis ku saabsan dhinaca difaaca iyo Milateriga. waxaa heshiiskan la

Caawa & Daljir iyo Maxamed Ibraahin Geelle, Daljir Garowe (dhegayso)
Maanka Dadweynaha iyo Magrafoonka Daljir & Maxamuud Fantastic (dhegayso)
Biyo La’aan ka Jirta Deegaanka Xunbeys (dhegayso)

Dowladdaha Itoobiya iyo Imaaradka ayaa magaalada Dubai ku kala saxiixday heshiis ku saabsan dhinaca difaaca iyo Milateriga.

waxaa heshiiskan labada dhinac ulakala saxiixay Wakiilo ka kala socday dowladaha Itoobiya Iyo Imaaraadka Carabta waxaa ay ku kala saxiixdeen shirka Bandhiga 16aad ee Diyaaradaha kaas oo ka socda magaalada Dubai ee dalkaasi Imaaraadka Carabta.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka Difaaca dalkaas lemma megersa,halka Imaaraadka Carabta uu u saxiixay Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Mohamed Bin Ahmed Al-Bowardi.

Heshiiska oo ah mid isfaham ayaa dhigaya in la iska kaashado dhinacyada difaaca iyo Millateriga,waxaana Wasiirka Difaaca Itoobiya lemma megersa uu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid xoojinaya danaha labada dal.

War lagu daabacay Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay dadaalo xoogan ugu jirto sidii ay xiriir wanaagsan ula yeelan laheyd wadamada gobolka iyo Caalamka intiisa kale.
Imaaraadka carabta ayaa horay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu u siiyey lacag dhan 3 Bilyan oo Dollar, iyada oo xilligaas dhaqaalo darri badan ay ka jirtay dalkaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: