Sarkaal ka tirsan turkiga oo sheegay in xamaas ay dili doonto Ra’isul-wasaaraha Israel

Sarkaal ka tirsan turkiga oo sheegay in xamaas ay dili doonto Ra’isul-wasaaraha Israel

Wasiir Ku-xigeenka Tacliinta ee dalka Türkiye, Nazif Yilmas waxa uu hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu ku daabacay Barta Bulshada ee X, isagoo dib u tweet gareeyey Qoraal uu RW Israel, Benjamin Netanyahu soo dhigay Bartaasi.

Nazif Yilmas waxa uu Qoraalkiisa ku xusay Fariintan: “Hal maalin ayey iyaga ku toogan doonaan xitaa, waana dhiman doontaa”.

Qoraalka uu Wasiir Ku-xigeenka Tacliinta ee dalka Turkiye, Nazif Yilmas soo dhigay Barta X waa uu tirtiray (deleted post) ee uu kaga fal-celiyey Muuqaal Video oo ku saabsanaa Duqeymaha Diyaaradaha Israel ku hayaan magaalladda Qasa.

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan waxa uu si kulul u naqdiyey Tacadiyada xad-dhaafka ee ay Milliteriga Israel ka geysanayaan dhulka Falastiin.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbad uu shalay oo Arbaco ahayd ka jeediyey Kulan ay Xildhibaanada Xisbiga haya Talada dalkaasi ee Xisbiga Caddaalada iyo Horumarka (The Justice and Development) ee AK Party ku yeesheen Caasimadda dalkaasi ee Ankara.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com