Saraakisha Amniga Jubbaland oo sheegay inay si wadayaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

HomeWararka

Saraakisha Amniga Jubbaland oo sheegay inay si wadayaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Maamulka jubbaland ayaa sheegay in iyada oo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay ka feejigan yihiin weerarada deegaannada Maamulkaas ay Al-S

Puntland & Xirmooyinka Dooxada Nugaal (daawo)
On eve of election, Chairman of Puntland Electoral Commission addresses the public
Guddiga doorashooyinka Puntland oo guddoon doortay

Maamulka jubbaland ayaa sheegay in iyada oo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay ka feejigan yihiin weerarada deegaannada Maamulkaas ay Al-Shabaab ka qorsheeyaan inay ka fuliyaan.

Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar) ayaa sheegay in deegaannada uu ka arrimiyo Maamulka Jubbaland aan lagu arki karin ruux hubeysan oo aan kamid aheyn Ciidamada Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Maamulka Jubbaland looga baahan yahay inaysan ogolaan in deegaannada Jubbaland lagu arko dad sameynaya waxyaabo lidi ku ah dhinaca Amniga,isla markaana ay tallaabo ka qaadaan.

Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar) waxaa uu sheegay inay jiraan dad siyaabo kale u dhigaya feejignaanta amni iyo hwolgallada ay Ciidamada wadaan,abalse aan laga aqbaleyn.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: