HomeUncategorized

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay degmada Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya.

Wajeer, Dec, 12 - Ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada nabad sugidda ee dalka Kenya ayaa la xaqiijinayaa inuu ku dhaawacmay qarax lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo marayey duleedka magaalada Wajeer oo ku taalla waqooyi bari Kenya, sida ay Radio Daljir u sheegeen dad jooga magaaladaasi.

R/wasaare Gaas oo shacabka Muqdisho ugu baaqay inay bixiyaan canshuurta, lana shaqeeyaan ciidanka bilayska.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Laki Man.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Maanhadal iyo Jamaal Faarax Aadan.

Wajeer, Dec, 12 – Ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada nabad sugidda ee dalka Kenya ayaa la xaqiijinayaa inuu ku dhaawacmay qarax lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo marayey duleedka magaalada Wajeer oo ku taalla waqooyi bari Kenya, sida ay Radio Daljir u sheegeen dad jooga magaaladaasi.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu qabsaday mid ka mid gawaarida Ciidanka waxaana jira warar sheegaya in qaraxu ahaa miinada dhulka la gasho, mana jiraan warar xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee qaraxaasi ka dhashay.

Weerar ayaa noqonaya kii labaad ee labo maalmood gudahood lagu qaado ciidamada Kenya ee jooga gobolka ay Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan magaalada Wajeer. dawladda Kenya ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin qaraxan, cidda fulisay iyo khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay midna.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: