Saraakiil Ciidan oo abaabul ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay Galgaduud

Saraakiil Ciidan oo abaabul ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay Galgaduud

Waxaa weli ka socda degaano katirsan dowlad Goboleedka Galmudug howlgallo iyo abaabul dagaal oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay wadaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed & qaar kamid ah dadka degaannada Gobolka Galgaduud oo hubka qaatay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku suganaa Magaalada Cadaado ayaa gaaray degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Saraakiishaan ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha Guutada 1-aad ee Qeybta 12-ka April Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) waxaana qeyb ka ah saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ujeedka saraakiishaan u tageen magaalada Baxdo ayaa ah in xoojiyo dagaalka inta badan ka socda deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ee looga saarayo Al-Shabaab oo weeraro ka geysta meelo kamid ah Gobolkaasi Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay taageero u muujin doonto dadka degaannada ee is abaabulay, kuwaas oo la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab, waxaana dagaalada qeyb ka ah Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolada Hiiraan & Galgaduud ee Maamulka Galmudug & Hir-Shabeelle

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com