Saldhig ay leeyihin Ciidanka kenya oo weraar madaafic ah lagu qaaday

HomeWararka

Saldhig ay leeyihin Ciidanka kenya oo weraar madaafic ah lagu qaaday

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya oo ka

Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhagax Dhigay Xarunta Qaranee Gurmadka deg-degga Ah
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya oo ka mid ah AMISOM ku leeyihiin duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.

Mas’uuliyin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa Risaala u xaqiijiyay weerarkaasi madaafiicda ah,hayeeshee aan weli la cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.

Goobjoogayaal sidoo kale ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda sidoo kalana Ciidamada Kenya dhankooda ay ugu jawaabeen madaafiic kale taas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in madaafiicda ay sitoos ah ugu dhacday gudaha Xerada Ciidamada Kenya ee duleedka Ceelwaaq ,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay wallow aysan soo bandhigin inta ay la egtahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: