Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhagax Dhigay Xarunta Qaranee Gurmadka deg-degga Ah

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhagax Dhigay Xarunta Qaranee Gurmadka deg-degga Ah

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah oo dabooleysa baahiyada deg-degga ah ee bulshada Soomaaliyeed iyo ka hor tagga musiibooyinka

Dhismaha Xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah oo ku timid taladii ay xukuumadda siiyeen mawaadiniintii Soomaaliyeed ee ka shaqeeyay gurmadkii loo sameeyay dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii October 14, 2017, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu faray howl-wadeennada ka shaqeynaya in ay sida ugu dhaqsaha badan xarunta u howl geliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay mawaadiniintii Soomaaliyeed ee keentay fikirka xarungta lagu dhisayo iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay, ayaa sheegay in hoggaanka dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhageysiga shacabka iyo in ay taladooda qaataan si dowladdu u bixiso adeegyada ay dadka Soomaaliyeed u baahanyihiin.

Xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah ee maanta dhismaheeda la dhagax dhigay ayaa qayb ka ah qorshaha dowladdu ay ku dooneyso in dalka dhan looga hir-geliyo dhammaan adeegyada aasaasiga u ah hagaajinta caafimaadka iyo nolosha mawaadiniinta Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com